|
DRC & SONYO Oo Qalab Sports Gudoonsiisay 7-ba Kooxood oo Caynabo ah. |
|
|
|
|
Written by mohamed
|
|
Thursday, 10 May 2012 10:32 |
|
Musaasibad si heer sarre loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb-galeen dhamaan qaybaha bulshada sida culumaa’udiinka, Duqayda dhaqanka, dhallinyaradda iyo waxgaradka magaalo madaxda Gobolkaas Saraar ee Caynabo iyo degmooyinka hoos yimaada sida Wadaama Go’o iyo Oog taas oo ay iska kaashanayeen Hay’adda Caalamiga ah ee DRC iyo Hay’adda Wadaniga ah Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO. Munaasibadda waxa lagu soo bandhigay ciyaaraha qalaama-rogadka (Even Show Circus) iyo ruwaayad xambaarsanayd dhambaal muujinayay khatarta tahriibka ee dhallinyaradda. Munaasibadan oo ahayd mid lagu gudoonsiinayay qalab sports 7-ba kooxood oo lagu tabarayay kubada cagta magaalada Caynabo, waxa munaasibaddii gudoonsiinta ka soo qayb-galay Badhasaabka Gobolka Saraar, Duqa Degmadda Caynabo iyo Mas’uuliyiin ka kala socday DRC iyo SONYO.
|
|
Read more...
|
|
|
Sonyo Oo Burco Ku Soo Gabagabaysay Koobka Dhallinyarada Khataraha U |
|
|
|
|
Written by mohamed
|
|
Wednesday, 09 May 2012 09:04 |
|
Burco (SONYO)- Dallada Ururada Dhalinyarada ah ee SONYO ayaa munaasibad ballaadhan oo Koob ciyaareed lagu guddoonsiinayey qaar ka mid ah Dhalinyarada khataraha u Nugul ee wax ka barta Xarumaha SOYVO, SYS iyo SOYDAVO ku qabtay Hoolka Dawladda Hoose ee magaalada Burco.Dallada SONYO iyo Ururadeeda gobolka Togdheer eek ala ah SOYVO, SYS, SOYDAVO ayaa koobkan si wada jir ah U soo xidhay iyaga oo ay koobkan ka qayb qaateen dhallinyarada Khataraha u nugul. Munasibaddan oo ay ka soo qaybgaleen Masuliyiinta u sarraysa Dallada SONYO Sida Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Axmed Cabdi Wacays iyo agaasimaha Fulinta SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, waxaana sidoo kale ka soo qayb galay xafladda koob guddoon siintan Madaxda Xarumaha Ururada SYS, SOYVO iyo SOYDAVO, Guddoonka waxbarashada Gobolka, Maamulka Gobolka Togdheer, Xildhibaanada Golaha Deeganka, Ardayda 3da Xarumood iyo marti sharaf kale oo badan. Ugu Horeyn Munasibaddan waxa ka hadlay Guddoomiyaha Dallada SONYO Ms. Axmed Cabdi Wacays oo sheegay in si weyn isugu hawlaan sidii dhallinyarada Nooc kastaba Loo dhiirigelin lahaa isla markaana kor loogu qaadi lahaa aqoontooda iyo xirfadahooga.
|
|
Read more...
|
|
Hargeisa youth donate food, clothes at mental hospital |
|
|
|
|
Written by mohamed
|
|
Tuesday, 24 April 2012 07:39 |
|
The mentally ill patients at the Hargeisa mental hospital woke up on Saturday to a surprise visit by some Hargeisa youths who brought them food, clothes and other essentials worth $1000 USD locally collected among the youth volunteers as part of celebrations to mark the Global Youth Service Day (GYSD) that encourages youth to volunteer for community service events.
|
|
Read more...
|
|
Dallada SONYO oo hotel Barwaaqo ku qabatay shir dibloogu eegayo guulihii laga gaadhay mashruuca dhalinyarada khatarta u nugul |
|
|
|
|
Written by mohamed
|
|
Friday, 20 April 2012 13:04 |
|
Dallada ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa wax ay soo qanqaabisay shir dib u eegis oo ah lagu samaynayo mashruuca dhalinyarada khataraha u nugul ee ay kawado magaalada burco. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday sadexda urur dhalinyaro ee SONYO kala shaqaynaya mashruucan oo kala ah SYS,SOYDAVO & SOYVO .shirkan ayaa waxaa lagu qabtay huteelka barwaaqo ee magaalada burco ayaa wax uu urukastaa soo jeediyay wax qabdkii .
|
|
Read more...
|
|
Agaasimaha SONYO Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Saraakiil Ka Socda Hay’adaha USAID Iyo ILO |
|
|
|
|
Written by mohamed
|
|
Tuesday, 03 April 2012 08:18 |
|
Hargeysa (SONYO web )- Agaasimaha fulinta gabboodka ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed ayaa xarunta guud ee SONYO ku soo dhaweeyey wafti sare oo ka socday hay’adda gargaara shacabka Maraykanka ee USAID iyo hay’adda ILO oo booqasho rasmi ah ku joogay Somaliland oo ka kooban laba xubnood. Agaasimaha SONYO waxa uu saraakiisha USAID oga xog warramay hawlaha dalladda SONYO ku foogan tahay iyo guud ahaan xaaladda dhabta ah ee dhallinyarada Somaliland. Isaga oo faahfaahin ka siiyay mashaariicda iyo hawlaha kala duwan ee ay dalka ka qabtaan, iyo baahiyadda loo qabo in hay’ada USAID dhallinyarada Somaliland ka caawiso baahioyahooda aasaasiga ah. Agaasimaha SONYO Md.
|
|
Read more...
|
|
|
|
|
|
|
Page 1 of 18 |